Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA.
Kulankan oo uu wasiirku ku wehliyey wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cabdixakim Xasan Ashkir ayaa xoogga lagu saaray howlaha gurmadka degdegga ah, dadaallada maareynta musiibooyinka iyo arrimo kale.
Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii si loo mideyn lahaa dadaallada gurmadka iyo wax ka qabashada masiibooyinka ee sida uu horey u amray ugu bixiyay ra’iisul wasaaraha Xukumada federaalka Soomaaliya.
Goobjoog News