U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo la wareegay Wabxo

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Wabxo ee hoostaga degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ah ay la wareegeen deegaanka.

Dagaal qaatay muddo saacado ah ayaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka u suurageliyay in ay la wareegaan gacan ku haynta degmada Wabxo, waxaana ay sheegeen in ay hadda ku sugan yihiin.

Gen. Cabdullaahi Cali Caanood Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay sido kale la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo soo bilawday gelinkii dambe ee shalay, waxaana wararka ay sheegayaan in ururka alshabaab dagaalka lagu jabiyay.
Goobjoog News