U bood dhigaalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridday shabakad Shabaab Ah

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukunno dil, xabsi iyo siideyn ah ku ridday xubno loo haysto kamid ahaanshiyaha ururka alshabaab.

Eedesanayaasha oo gaaraya illa iyo sideed eedeysane ayaa ka soo hor muuqday maxkamadda todobaadkii tagay, iyaga oo loo haysto falal amniga liddi ku ah.

Kooxdaan ayaa ahayd shabakad isku xiran oo ka  koobaan dhaqaatiir iyo rag dilalka fuliya, waxaana ay isticmaali jireen hubka fudud iyo midka culus.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay xukunno kala gedisan, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha maxkmadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka.

1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkan.

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawacd dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon.

3-4 Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa lagu wada xukumnay Min Sideed Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka.

5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah.

6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada ayaa lagu xukumay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-8 Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ayay Maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, waxa ayna u celisay Xorriyadooda

Goobjoog News