U bood dhigaalka

Faahfaahin: Dagaalka Laascaanood iyo Dhinacyada oo Siyaabo Kale Duwan Uga Hadlay

Dagaal xooggan oo dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa wali ka socda  duleedka  Laascaanood, xilli ay dhinacyo siyaabo kale duwan uga hadleen  dagaalka dhacaya, waxaana jirta dhinacyadu dagaalka ay ka sheegteen dhinac kasta uu ka gaaray dagaalka, iyadoo dhinaca kale wararku sheegayaan in la duqeeyay qeybo kamid ah magaalada Laascood.

Afhayeenka Gudiga 33-da SSC ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha dagaaladii dhacay shalay iyo maanta, waxaana uu sheegay in Ciidanka Somaliland ay qafaasheen Shaqaale ka shaqeynayay Korontada magaalada, sida uu hadalka u dhinay walow wararka qaar ay sheegayaan in la siiyaadayay, kadib markii la ogaaday ina y yihiin Shaqaale aan ku jirin dagaalka.
“Shalay waxaa ay soo qaadeen weerarro kale gadisan oo dhowr jiho ay kasoo qaadeen, dhammaan waa lagu waxyeeleeyay, wax uga fulayna majiraan damacoodii iyo wixii ay rabeen, oo ay mar walba ku dagaalamayeen, maantana Saakay Aroortii salaadda kadib, sidii iyagaba caadada u aheyd, waxaa ay weerar kasoo bilaabeen dhina Waqooyi iyo dhinaca Galbeedba, waxaa ay ku doonayeen in ay magaalada ku qabsadaan uma aysan suurto gelin waa laga celiyay, dhibaato weyn waa ay geysteen iyagana waa loo geystay” ayuu yiri Afhayeenka Gudiga 33-da SSC .
Somaliland wasaaraddeeda difaaca ayaa bayaan ay soo saartay lagu  sheegtay in ciidankeeda uusan marnaba beegsanin    xarumaha bulshada sida isbitaallada iyo dugsiyada xilli mar sii horreysay ay jireen warar tibaaxaya in dhowr madfac ay maanta ku dhaceen cisbitaalka guud ee magaalada Laasacaanood, kuwaas oo geystay khasaare soo gaaray dad shacab ah.
“Wararkan been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada ayaa ah kuwo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sumcadda Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida muuqaaladii hore lagu arkay, xarumaha waxaa si bareer ah u waxyeeleeya kooxo wajiyo badan leh oo gacan saar la leh kooxaha nabad diidka ah iyo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalkaas ka soo baxay wasaaradda Difaaca ee Somaliland.
Dagaalka magaalada Laascaanood oo ku dhow muddo bil ah ayaa ka bilowday shacab ka carooday dilal ka dhacay magaalada xilli bannaanbaxoodii Rasaas ay ugu badaleen ciidan Somaliland oo gacanta ku haayay, dagaalka ayaa sidoo kale geystay burbur xooggan oo soo gaaray magaalada, oo ay adeegsadeen ciidanka Milatariga.
Goobjoog News