U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Si Adag Uga Hadlay Dhacdadii Isgoyska Siinaay, Isaga oo Fariin Diray

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxaa uu hadlay shaqaaqo ka dhacay  isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, taas oo dhilasay dhimasho iyo dhaawac dad Rayid ah, waxaana uu sheegay in askarkii falkaas ka dambeysay gacanta lagu soo dhhagay cadaaladdana la horkeeni doono.
Guddoomiyaha oo ay wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugida iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayaa sheegay in baaris ay ku socoto dhacdadii Isgoyska Siinaay, Asigoona Tacsi u diray ehelada dadkii halkaasi ku dhintay, kuwa dhaawaca ahna eebe ugu baryay caafimaad helaan.
“Dhacdooyinka nuucaan ah, waa nagu bateen loomana dulqaadan karo, Qof iska Bari ah oo waxba galabsan inuu xabad ku dhinto waa nasiib darro, waliba adiga oo raba inaad naf badbaadiso inaad naf kale gooso runtii waa nasiib darro, waxaan ka wadahalay aniga iyo hey’adaha amniga in dadkii dadkaas wax u geystay in habkii sharciga ahaa la marsiiyo” ayuu yiri.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in askarta looga baahan yahay in ay joojiyaan xabadda ay sida fudud u ridaan, taas oo inta badan dhalisa khasaare soo gaarta dadka shacabka, isaga oo nasiib xuma ku tilmaaamay in askari loo idmaday inuu badbaadiyo naf qof shacab ah oo aan waxba galabsan, isagu sabab u noqdo dilkiisa sida uu hadalka u dhigay.
“Dhacdooyinka nuucaan ah in ay naga yaraadaan ayaaan rajeynaynaa, Askarta goobaha joogtana xabadda ay sida fudud u ridaayaan iyaga oo aan u aabo yeelaynin, waxaad halkaas u joogtaa oo Qobowga iyo Qoraxda ay kuugu dhacaysaa waa in aad qof badbaadiso, adigoo raba inaad naf badbaadiso naf kale ha goynin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Madaale.
Shaqaadii ka dhacay Isgoyska Siinaay ayaa waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah, taas oo ay ugu darneed wiil iyo gabar saarnaa Mooto Bajaaj uu ku qarxay qori aan loogu talo gali magaalada dhexedeeda in lagu isticmaalo, iyadoo la aqoosan waayay labaad ruux, dhacdooyinkaan ayaa in badanmuddooyinkaan kusoo laablaabtay magaalada Muqdisho.
Goobjoog News