Hanti -Dhowraha Guud ee Qaranka oo kulan la Qaatay Wasiirka Maaliyadda
Dhowraha cusub ee Qaranka Avv. Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.
Kulanka Hanti-dhowraha Guud iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh hawlaha baarista ee uu masuulka ka yahay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud iyo horumarinta hannaanka baarista Hanti-dhowrka Guud kaas oo qeyb ka ah hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka.
Kulanka ay yeesheen Hanti-dhowraha Guud iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka wadashaqeynta ee ka dhexeeya Xafiiska Hanti-dhowrka Guud iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta nidaamyada muhiimka ah dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda Dalka.
“Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka waxa ka go’an in uu si dhaw u la shaqayo dhammaan Hey’adda muhiimka ah ee Dowladda si loo xoojiyo daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka” ayuu yiri Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale xilli uu ka hadlayay kulanka isaga iyo wasiirka dhexmaray.
Goobjoog News