U bood dhigaalka

Ergayga Arrimaha iyo Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Dowladda Sweden

Sheeko:Dalka
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo uu wehliyo Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay u qaabilsanaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibadda Sweden Irina S Nyoni iyo Danjiraha Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgärde. Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Madaxa Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden Irina S Nyoni.
Ergeyga ayaa ka warbixiyay xaaladda abaarta dalka ka jirta, isagoo sheegay in dadaallada wadajirka ah Dowladda Federaalka, deeq-bixiyayaasha iyo hay’adaha Qaramada Midoobay looga hor tagay macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo damaadkii sanadkii hore.
Ergeyga ayaa sheegay in kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay dhibaato xooggan gaarsiiyeen qaar ka mid ah ilihii nolosha ee degaannadii ay gacanta ku hayeen, ka hor inta aan laga saarin, wuxuuna Dowladda Sweden ugu baaqay in ay gacan ka geysto gargaarka naf-badbaadinta ah ee dadka ku dhaqan goobaha khawaarijta laga xoreeyay.
Goobjoog News