U bood dhigaalka

Qarax Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Gobolka Gedo

Qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, kadib markii qarax lagu xiray hoyga guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee degadaas Nuux Xasan Daa’uud, kaas oo la sheegayo inuu kasoo gaaray dhaawac daran sida ay sheegayaan wararka.

Qarax oo ahaa nuuca Miinada ayaa waxaa sidoo kale ku geeriyooday 2 wiil oo la sheegay inuu dhalay Nuux Xasan Daa’uud, kuwaas oo ahaa caruur, halka wararka qaar ay sheegayaan inuu jiro dhaawac wiil yar oo deris la ahaa guriga la qarxiyay, sidoo kale waxaa ka dhashay burbur soo gaaray guriga.

Aadan Xasan oo ku sugan degmada ayaa Goobjoog News u sheegay guddoomiye ku-xogeenka dhaawaciisa uu aad u daran yahay, waxaana la filayaa in loo soo qaado magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo xusay in dhaawac uu kasoo gaaray gacan iyo sidoo kale dhanka madaxda.

Goobjoog News