Kalfadhiga Labaad Baarlamaanka Labadiisa Gole oo Lasoo Xiray
Sheeko:Dalka
Waxaa maanta si rasmi ah loo soo xiray Kalfadhiga labaad ee labada gole ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, waxaana golayaasha intii uu socday fahigaan lagu ansixiyay dhowr hindise sharciyeed, kuwaas kasoo gudbay golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, oo gaarayo ilaa 12 sharci oo mid kamid aan la ansixin.
Sharciyadaan waxaa inta badan soo wada ansixiyay labada Aqalka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaasoo loo gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo saxiixay Sharciyo uu kamid yahay Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA.
Goobjoog News