U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Saxiixay Sharciyo Muhiim ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo kasoo gudbay labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
Sharciyadaan oo kasoo kala baxay wasaarado dhowr ah, ayaa waxaa madaxweynuhu uu ku tilmaamay guul laga gaaray dowladnimada, xilli uu ka hadlayay munaasabadda, waxaana xusid mudan in madaxweyhu hore u sixiixay sedex Hindise Sharciyeed, oo ka horeysay sharciyadaan soo gaaray.
Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa kasoo gudbay isku darka 12, sharci, waxaana madaxweynuhu sixiixay 11, kamid ah, waxaana wali soo gaarin Hindise Sharciyeed dhowrista deegaanka, kaas oo aan soo marin Aqalka sare, Sharciyada madaxweynuhu siaxiixay ayaa kala ah:
1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada
2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,
3 .Sharciga Socdaalka,
4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,
6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,
7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay golaha xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.
Goobjoog News