Qaramada Midoobay oo War-saxaafadeed Kasoo Saartay Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta iyo Miino Saarista
Iyadoo u dabaaldegeysa Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta iyo Kaalmaynta Wax-ka-qabashada Miinooyinka, ayaa Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay mar kale adkeynayaan ka-go’naanshohooda taageerada dadaallada Soomaaliya looga cirib-tiraayo khataraha haraadiga walxaha qarxa.
“Marka laga eego tirada dadka ku wax-yeelooba ama baaxadda culayska dhaqaale, khasaaraha ay dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed kala kulmaan khatarta ka dhalan karta walxaha qarxa waxay ku kacaysaa qiimo aad u sarreeya oo aan la xamili karin”ayay tiri Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho..
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa si joogto ah uga go’an la-shaqaynta maamullada Soomaaliyeed iyo saaxiibada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo badbaadiyo dadka rayidka ah loona kobciyo nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya,” ayay sii raacisay hadalkeeda xilli ay ka hadlaysay munaasabadda.
“Maalintan Caalamiga ah awgeed, waxaan si gaar ah u qiraynaa geesinimada iyo heellanaanta hawl-wadeenada ka shaqeeya miino-saarista iyo sida ay uga go’an tahay abuurista jawi amaan ah oo bed-qaba oo ay helaan dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayay kusoo gabagabeysay hadalkeeda Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.
Sannadkii 2022, in ka badan 1,200 rayid Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay ama ku dhaawacnmay walxaha qarxa, oo ay ku jiraan haraadiga walxaha qarha ee ay reebeen daagaalada, miinooyinka iyo walxaha qarxa ee macmalka ah, waxaana dadka dhintay ay u badan yihiin caruur, kuwaas oo aan garaneyn khataraha ay yeelan karaan, iyaga oo ku ciyaara dibadeedna ay ku qarxaan oo waxyeello kasoo gaarto.
Guud ahaan intaas waxaa sii dheer, wasakhowga haraadiga walxaha qarxa ayaa caqabad ku ah soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarka iyadoo goobaha wasakhowga ka dhigaysa mid xad dhaaf ah, oo hor-istaagaya helitaanka hab-nololeed iyo adeegyada muhiim ka u ah dadka deegaanka, iyo sidoo kale xannibaadda xorriyadda dhaqdhaqaaqa dadka. Waxay sidoo kale caqabad ku tahay gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee muhiim u ah qaybo ka mid ah deegaanada dalka Soomaaliya oo ay abaaro ka jiraan.
Qaramada Midoobay ayaa si garab-istaag ah ugala shaqaynaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah sidii loo yarayn lahaa saameynta walxaha qarxa. Isla markaana, waxay ka shaqaynaysaa sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda aqooneed ee hay’adaha amniga ee Soomaaliya si ay u hogaamiyaan una agaasimaan wax ka-qabashada miinada. Taageeradaas waxaa ka mid ah yaraynta halista waxlxaha qarxa, hawlo miino-saaris iyo sahan, iyo u doodista iyo dadaallada kobcinta awoodda si kor loogu qaado u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah.
Goobjoog News