Xoghaya Guud ee QM oo Booqday Xeryaha Barakayaasha Magaalada Baydhabo
Sheeko:Dalka

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo booqasho ku yimid magaalada magaalada Muqdisho ayaa Baydhabo, waxaa garoonka diyaaradaha, iyadoo siiweyn loogu soo dhoweeyay.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Marwo Shamso Maxamed Yarow, Wasiirka Gargaarka, Wasiirka Dekadaha, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa qeyb ka ahaa.
Mr Guterres ayaa booqashadiisa la xiriirta u kuurgelidda Arrimaha bani’aadanimada iyo taageerida howlgalka ay hoggaamineyso dowladda Federaalka ee la dagaalanka Al-Shabaab, waxaana uu booqday xeryha ay ku nool yihiin dadka barakacaayaasha ah ee Baydhabo.
Xoghayaha ayaa sidoo kale waxaa booqashadiisa qeyb kala ah wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi, waxaana uu booqday kumaan qoys, kuwaas oo kasoo qaxay abaarta iyo dagaalka Al-shabaab oo degan magaalada Baydhabo.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo booqasho ku yimid magaalada magaalada Muqdisho, ayaa shir’jaraaid ay wadajir u qabteen isaga iyyo madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay Gargaar dheeraad ah.














