U bood dhigaalka

Ergayga Arrimaha Somaliland oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Finland

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda FINLAND, MR Jukka Pajrarinen, iyo Safaaradda FINLAND ee Soomaaliya kuwaas oo aan ka wadahadaleyn dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo Soomaaliland.
Ergayga ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha iyo Safaaradda doorka dowladda FINLAND ay ka qaadatay Dowladd dhiska Soomaaliya, Waxaana uu warbixin ka siiyay sida ay uga go’an tahay ka guul gaarista wadahadallada Somaliland, iyo in Dowladda DFS ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo Arrimaha Somaliland.
Dhankiisa Mr Jukka Pajrarinen ayaa u muujiyay Ergeyga sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawaiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyee, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland iyo Dowladda Federalka oo dib loo anba qaadi doono.
Goobjoog News