U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Diinta oo Qaabilay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Sheeko:Amniga

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubno ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo uu hor kacayo Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ee Soomaaliya Mudane Cismaan Muxyadiin Macallin (Shaatax), Duniyo Maxamed Cali iyo Maxamuud Sheekh Maxamed Rooble

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ayaa Mas,uuliyinta ka socotey Ururrada Bulshada Rayidka warbixin dheer oo dhinacyo badan taabaneysey ka siiyey hannaankii iyo habraacyadii daah furnaanta ku dheehneyd ee loo marey tartansiinta shirkadaha Soomaaliyeed ee ku tartamey adeega xajka ee sanadkan 1444/2023 oo ay ku jiraan shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya.

Xubnahaan ka socday Bulshada Rayidka ah iyo wasiirka ayaa sidoo kale, waxey kulankooda ay uga wada hadleen xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo la dardar gelinayo barnaamijka wacyigelinta bulshada ee ku aadan la dagaallanka fikirka xagjirka ah, lana kaashanayo Culimaa’uudiinka Soomaaliyeed.