U bood dhigaalka

Hey’adda NISA oo Sheegtay in Gacanta Lagu Dhigay Xubin Ka Tirsan Al-shabaab

Ciidamada Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ibraahim Cabdullaahi Jaamac oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kaas oo Hey’addu sheegtay inuu doonayay inuu safar ku tago magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ibraahim Cabdullaahi Jaamac ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, isaga oo xilliga la qabanayay ku howlanaa inuu safar galo, si uu falal amni darro uga fuliyo magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegtay hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka oo bayaan soo saartay.

Xilli uu la hadlayay warbaahinta dowladda ayuu sheegay in magaca kooxda looga yaqaano uu yahay Fahad, isaga oo xusay in Al-shabaab uu ka tashkiiliyay inuu galo Aabihiis, sida uu hadalka u dhigay, waxaana laga qabtay xilli uu ku sugnaa gudaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ninkaan ay xogtiisa hayeen mudana ay ku raadjoogeen, isla markaana hataan ay ku wareejin doonaan hay’adaha garsoorka, si cadaaladda loo mariyo, ciidanka NISA ayaa mudooyinkii dambe waday howlgallo isdabajoog ah.

Goobjoog News