U bood dhigaalka

Qarax Lagu Xiray Gaari oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax xooggan oo dhawaqiisa inta badan laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa goordhow ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhaxay meel u dhow xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana warar kale duwan ay kasoo baxayaan sida uu u dhacay qaraxa.

Jugta qaraxa oo aad looga maqlay casimadda ayaa ahaa mid lagu xiray gaari, walow ilaa hadda aan la ogeyn cid wax ku noqotay iyo mas’uulka iska lahaa Gaariga.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa aad ugu yaraa falalka amniga lidka ku ah tan iyo markii ciidka Police Milatare lagu wareejiyay.

Goobjoog News