U bood dhigaalka

Hey’adda NISA oo Ka Warbixisay Horjooge Isku Dhiibay Dowladda

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kaas oo xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa .

Horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed balse Al-shabaab dhexdooda looga yaqaano, Abuu-Saacid ama Shariif, ayaa Xilalka  Al-Shabaab uu  kasoo qabtay waxa kamid ahaa qaaddiga wax ay hey’addu ku sheegtay Maxkamad beenaadka Gobolka Banaadir, qaadiga guud ee  Al-Shabaab iyo Lataliyihii Axmed Godane.

Sidoo kale waxaa kamid ahaa xililakii uu kasoo qabtay kooxda dhexdeeda Madaxii Zakawaadka ee Gobolka Sh/Hoose iyo kuxigeenka madaxii guud ee Zakawadka , horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed Abuu Saacid waxa uu soo galay gacanta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA.

Goobjoog News