U bood dhigaalka

Recep Tayyip Erdogan oo Markii Labaad Ku Guuleystay Madaxweynaha Turkiga

Sheeko:Caalamka

Guddiga dooashooyinka dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku guulestay doorashadii maanta ka dhacday dalkaasi,isaga oo helay codad gaaray 52.91%, halka Kemal Kılıçdaroğlu uu helay 47.09%, taas oo keentay in laga guulesto, Erdogan ayaa taageero xooggan ka helay xisbiga National Movement.

Doorashada sanadkaan ayaa aheyd middii ugu adkeyd, maadaama labada musharax ay isku marin wareegii hore, taas oo keentay in loo baahdo wareeg labaad, sababtoo ah majirin musharrax helay 51% si uu u guuleysto, waxaa jirtay in sidoo kale doorashada ay dhinac u ridday taageerada Sinan Ogen, kaas oo codkiisa ku biiriyay AK Party.

Muwadiniinta Turkida ayaa ka codeeyay ilaa  1,094 degmooyinka dalka, juwaas oo la dhigay in ka badan 191,000 oo sanduuq,  hoggaamiyaha mucaaradka ayaa taageero badan ku lumiyay Islam naceybka iyo sidoo kale soo celin dowlad Cilmaani ah oo Turkiga ka hanaqaata, kadib hadal uu u jeediyay taageerayaashiisa xilligii ololaha ku jiray.

Guusha uu gaaray madaxweyne Erdogan ayaa waxaa soo dhoweeyay wadamada Islamka ah, waxaana ay noqon in markii sedexaad uu ku guuleystay talada dalkaasi, laba xilli uu u tartamay madaxweynaha dalka iyo markii loo magacaabay Ra’iisulwasaaraha dalkaaasi, isaga oo waxbadan isbedel uu ku sameeyay uu ku jiro Dastuurka dalka.

Goobjoog News