U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maanta Furay Kalfadhiga Sedexaad Ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, isaga oo khudbad u jeediyay labada gole ee Baarlamaanka, waxaana uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladaha dalka iyo doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lasoo maray waddo dheer, taasoo qaadatay waqti badan, waxa uuna Xildhibaannada Baaramaaka 11-aad ka dalbaday in ay la qaataan go’aannadii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Qaran oo kusoo idlaaday magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyntii laga soo saaray Mar-murtiyeed.

Madaxweyna khudbaddiisa waxa uu ku dul istaagay isbeddelka amniga caasimadda Muqdisho, isagoo sheegay in xildhibannadu ay kaalintooda qaataan soona saaraan sharciyo muhiim u ah taabogelinta amniga iyo xasiloonida caasimadda. Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay ciidamada ammaanka.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhanka kale xusay in labada gole looga baahan yahay shaqo badan iyo ansixinta  sharciyo cusub, kuwaasoo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya, waxaana uu guul ku tilmamay sharciyadii la meel mariyay Kalfadhigii labaad oo labada gole kasoo gudbay dhowr iyo toban sharci oo xukuumaddu gudbisay.

Madaxweyne Xasam Shiikh Maxamuud ayaa ugu dambeyn dul istaagay hayaanka doorasho ee qof iyo cod ee lagu wado in dalka laga hirgeliyo, isaga oo tilmaamay in muhiim ay u tahay wadashaqeynta golayaasha dowladda si loo gaaro halka la hiigsanayo iyo dhaqan galinta go’aannadii kasoo baxay shirka Madasha Wadatashiga Qaran .

Goobjoog News