U bood dhigaalka

Madaxweyne Erdogan oo La Caleemo-saaray, iyo Madax Ka Qeybgashay

Recep Tayyip Erdoğan ayaa loo caleemo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Turkiga oo dhowaan uu ku guuleystay doorashadii wareega labaad ee ka dhacday dalkaas, iyadoo ay ka soo qeyb galeen munaasabadda madax kale duwan oo lagu casuumay, kuwaas oo isugu tagay Qasriga Baarlamaanka ee magaalada Ankara.

Madaxweynahaayaa sidoo kale loo dhaariyay xilka madaxtinimo ee dalkaasi, kadib markii uu ku guuleystay 28-kii bisha May doorasho taariikhi ah oo ku celiska ahayd, si uu ugu kordhiyo shan sano oo dheeri ah muddada xilkiisa waxaana Erdoğan noqonayaa mid taariikh ka sameeyay dalkaas, isaga oo xafiiska joogay muddo 20 sano ah.

“Anigu, ka madaxweyne ahaan, waxaan ku dhaaranayaa sharaftayda iyo karaamadayda hortiisa qaranka weyn ee Turkiga iyo taariikhda si aan u ilaaliyo jiritaanka iyo madax-bannaanida dawladda, waxaan qaabili doonnaa dhammaan 85 milyan oo qof [dalka] iyada oo aan loo eegin aragtidooda siyaasadeed” ayuu yiri isaga hadlayay.

Caleemo-saarka Sabtidii ka dib ayaa munaasabad waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee caasimadda dalka aad u heersareysa oo ay ka soo qeyb galeen tobanaan ka mid ah madaxda caalamka. Hogaamiyihii ugu mudada dheeraa ee Turkiga ayaa wajahaya caqabado diblumaasiyadeed oo aad u badan iyo dhinayada reer Galbeedka.

Hoggamiyaha isbadal doonka ah ee Turkiga ayaa 28-kii May ku guuleystey wareegii labaad ee doorashada, xilli ay isbaheysiga mucaaradka ah guuldarro la hoydeen,waxaa ka jirto dhibaato dhaqaale iyo dhaleecayn ka dhalatay Dhulgariirkii sida ba’an u saameeyay bishii February 2023, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo ruux.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa markiilabaad oo xiriir ah waxaa loo caleemo saaray madaxweynaha dalkaas, waxaana muddo 20 sano ah uu joogay xafiiska ugu sareeya dalkaasi uu wax badan ka qabtay dhinacyada dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalkaasi, isaga oo hirgeliyay mashaariic lagu hormarined.