Maamulka Jannaale oo Ka Warbixiyay Khasaaraha Ka Dhashay Gantaal Caruur Ku Qarxay
Maamulka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay deegaanka Muraale oo u dhaxeeya magaalooyinka Qoryooleey iyo Janaale ee gobolkaas, kaas oo sababay khasaare kale duwan oo soo gaaray caruur iyo dhallinyaro.
Qaraxaan oo ka dhashay haraadiga Gantaal aan qarxin, kaas oo ilmaha ay ku ciyaareen, waxaana uu sababay geerida 27 caruur iyo dhallinyaro ah iyo dhaawaca 53 kale, kuwaas oo isugu jiray caruurta deegaanka iyo kuwa dugsileey ahaa sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Janaale.
Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur Alcadaala oo ah guddoomiyaha degmada Janaale oo ka warbixinayay ayaa sheegay in ay shacabka ay kaga digayaan in ay ka fogaadaan haraadiga madaafiicda aan qarxin, waxaana sidoo kale uu intaas ku daray ay jiraan dhaawacyo halis ah oo tirada geerida sii kordhin kara.
Sikastaba ha ahaatee qaraxa ka dhacay deegaanka Muraale ee u dhaxeeya magaalooyinka Qoryooleey iyo Janaale ayaa ku soo aadaya iyadoo deegaannadaas ay ka dhacaan duqeymo lala beegsado Al-shabaab, waxaana inta badan ka jira in Gantaalaha qaarkood aysan noqon kuwa Qarxa dibna waxyeello u gaysta.
Goobjoog News