U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo Gargaar Gaarsiisay Degmada Afmadow

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa gargaar Beni’aadannimo waxa ay gaarsiisay degmada Af-madow ee gobolka Jubbada hoose.

Gargaarkan ayaa loogu talagalay dadka abaaraha ay ku saameesay degaannada iyo baadiyaha fog ee gobolka, kuwaas oo la daalaa dhacaya xaalado beni’aadannimo.

Deeqdan oo Hay’adda SoDMA maanta ka daabushay Muqdisho ayaa waxaa horkacayay Madaxa Qeybta Caafimaadka Xarunta Howlgalka Degdega ee Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Dr. Cabdullaahi  Muuse Axmed, kaasi oo ku wareejiyay Maamulka Degmadda Afmadow.

Madaxa Qeybta Caafimaadka Hay’adda SoDMA oo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay gargaarkan ayaa sheegay in Hay’addu mar waliba ay ka go’antahay u gurmashada dadka dhibaataysan.

Guddoomiyaha Degmade Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose Mudane Maxamed Amiin ayaa u mahadceliyay Hay’adda SoDMA, isaga oo sheegay in gargaarkan uu ku soo aaday xiligii loogu talagalay.

Goobjoog News