U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Hey’adaha Maareynta iyo Hey’adda Star Network

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka ee SoDMA mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wheliyaan agaasimaha waaxda maareynta musiibooyinka mudane Khadar Maxamed Sh Nuur iyo la-taliye sare Maxamed Macallim (Wayaaka) ayaa maanta kulan la yeeshay madax ka socotay hay’adda Start Network.

kulanka oo ka dhacay xarunta hay’adda SoDMA ayaa looga wada hadlay xoojinta xariirka labada hayádood, wada shaqeynta iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda shirka ka hortogga aafooyinka oo ka dhici doona Muqdsiho 18 iyo 19 June 2023.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaday sidii loo dar dar galin lahaa istraatiijyadda maaliyadda ee ka hortgga aafooyinka, waxaana ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinku u mahadceliyey madaxda ka socotay hay’adda Start Network, booqashada ay ku yimadeen xatunta hay’adda iyo wada shaqaynta ka dhalatay kulanka maanta

Goobjoog News