U bood dhigaalka

Qaxooti Soomaali Ku Jirto oo Laga Soo Daadgureeyay Libiya oo Laga Geeyay Ruwanda

Sheeko:Dalka

Qaxooti magangalyo doonka ah oo tiradoodu gaareyso 134 ruux  ayaa waxaa laga soo daadgureeyay dalka Liibiya  waxaana ay si nabad ah ku gaareen dalka Ruwanda, iyadoo halkaas oo si daaran loogu soo dhoweeyay.

Qoxootigaan ayaa waxaa ay isugu jiraan wadamo dhowr ah waxaana kamid ah Soomaalilay,  64 ayaa u dhashay Eritrea, 35 Sudan, 15 Soomaali ah, 17 Itoobiyan ah, 2 Cameroon iyo 1 Mali u dhashay.

Qoxootigaan ayaa waxaa la qorsheeyay in la dejiyo Xarunta Gaadiidka Gashora, halkaas oo ah oo la dajiyo Qaxootiga dalkaan dib loogu soo celiyo in dib looga celiyo dalalkii ay u kala dhasheen.

Xaruntaan oo gacanta ku heyso UNHCR ayaa  tan iyo 2019, Ruwanda waxay ku martigelisay in ka badan 1,600 magangalyo doon ah. Muddadaas, waxay ka shaqaynaysay sidii ay xal ugu heli lahayd dadkan.

Goobjoog News