U bood dhigaalka

Shirweynaha Qaranka Ee Shaqaalaha Caafimaadka Dalka oo Ka Furmay Muqdisho

Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka  Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimaha la xiriira sare u qaadista shaqaalaha Caafimaadka dalka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr, Cali Xaaji Aadam, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr, Maryama Maxamed Xuseen, Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno ka socda Hay’addaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, Agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka, bahwaynta Caafimaadka Soomaaliya, Xubno ka socda xarumaha Caafimaadka dalka xirfadlayaasha caafimaadka, siyaasad-dejiyeyaasha iyo daneeyayaasha dalka oo dhan.

Shirka ayaa ah mid muhiim u ah bulsho waynta Soomaaliyeed, maaddaama uu qorshuhu yahay sidii loo heli lahaa Shaqaale Caafimaad oo tayo leh, taas oo kor u qaadeysa horumarinta Caafimaadka guud ee Soomaaliya.

Goobjoog News