U bood dhigaalka

Shirweynaha Qaran Ee Shaqaalaha Caafimaadka oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyey

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Dr. Ali Haji Adam ayaa soo xirey Shir waynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka (NHWS2023) oo labo maalin ka socday Hotelka jazeera ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa ahaa mid muhiim u ah bulsho waynta Soomaaliyeed maadaama qorshuhu yahay sidii loo helli lahaa Shaqaale Caafimaad oo tayo leh taas oo kor u qaadeysa guud ahaan tayada iyo adkaysiga Caafimaadka Soomaaliya.

Intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay doodo, Cilmibaarisyo kala duwan oo dhamaan ku saabsanaa horumarinta Caafimaadka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Shaqaalaha Caafimaadka, waxaana sidoo kale Shirka laga soo jeediyey Khudbado kala duwan oo lagu dul istaagey hiigsiga tayeynta Caafimaadka iyo Shaqaalaha maadaama qeybta Caafimaadka ay ka mid tahay qeybaha ugu muhiimsan bulshada.

Shirka Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka ayaa laga soo saarey Warmurtiyeed ballaaran oo lagu faahfaahiyey nuquladii kasoo baxay shirka socday mudada labada maalin ee ay kasoo qeybgaleen dhamaan dhinacyada uu quseeyo Caafimaadka.

Munaasabadda Xiritaanka Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka waxaa kasoo qeybgaley Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiro heer federaal ah, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno ka socda Hey’addaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka, bahwaynta Caafimaadka Soomaaliya, Xubno ka socda xarumaha Caafimaadka dalka xirfadlayaasha Caafimaadka, siyaasad-dejiyeyaasha, iyo daneeyayaasha Caafimaadka dalka oo dhan.

Goobjoog News