U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland oo Qaabilay Ergayga Cusub Ee Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay oo gaaray magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiinta Madaxtooyada ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo la xiriira xaalada guud ee dalka.
Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha amniga iyo bilowga Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada oo diyaar garoowgiisu uu maraya meel gabo gabo ah, xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo gaarsiintaa gargaarka dadka ku tabaaloobay masiibooyinka dabiciiga ah iyo isbadalka cimilada aduunka.
Waxaa kale oo laga hadlay heshiiska madasha wadatashiga qaranka ee dalka loogu jiheeyay Doorashooyin dadweyne Sanadka soo socda iyo tageerada beesha Caalamka ee dhinacyada kala duwan.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha uga mahad celisay soo dhawaynta diiran ee ay kala kulantay Dowlada Jubaland iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay timaado Jubaland oo ay ugu danbaysay sanadkii 1992dii isla markana ay ku aragtay isbadalo badan oo dhinaca hormarka.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahad celiyay Danjire Catriona Laing iyo wafdigeeda booqashada ku yimid Jubaland isagoo xusay in wada hadalo miro dhal ah ay ka yeesheen dhinacyo badan.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in dagaalka Al-Shabaab Wajiga labaad si fiican loogu diyaar garoobayo isla Markana dhawaan uu bilaabanayo. Madaxweynahu wuxuu xusay in loo baahan yahay in xasilinta deegaannada la xoreeyay ahmiyad gaar ah la siiyo si adeegyada aas aasiga ah loo gaarsiiyo dadka halkaas ku nool.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalada gobolka Gedo ay Jubaland diyaar u tahay in wixii kala aragti duwanaan siyaasadeed lagu dhameeyo wada hadal balse uuna jirin khilaaf u dhexeeya dadka Deegaanka iyo Dowlada Jubaland dadkuna ay soo dhaweeyeen maamulkii dhawaan la magacaabay isla markana caqabada gobolka ay salka ku hayso dhibaatada uu abuuray rajiimkii hore.
Goobjoog News