U bood dhigaalka

Mashruuca Horumarinta Caafimaadka Hooyadda iyo Dhallaanka oo La Daahfuray

Wasiirka wasaaradda Cafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu horumarinayo helitaanka caafimaadka hooyada iyo dhalanka oo tayo leh oo loogu talagalay dadka nugul iyo dadka kuso barakacay gudaha dalka.

Daahfurka Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Safiirka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka socday hay’addaha deeqaha bixiya.

Ujeedka mashruucaan ayaa ah in wax laga qabto baahiyaha daryeelka cafimaad ee muhiim u ah bulshooyinka nugul, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha ay saameeyeen barakaca iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ku wajahaya dalka daryeelkana u baahan xilligaan.

Goobjoog News