U bood dhigaalka

Cali Jeyte oo Sheegay in Hiiraan Aysan Kamid Ahaan Doonin Hirshabeelle

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo lagu sameeyay xilka-qaadis ayaa sheegay in arrintaan ay kala dhantaalayso howlgalladii ka socday gobolka Hiiraan bilihii lasoo dhaafay oo hormuud uu ahaa, waxaana inta uu socday kooxda Al-shabaab looga saaray deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Cali Jeyte ayaa xil ka qaadistiisa ku tilmaamay mid loogu talagalay in lagu kala dhantaalo guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah ururka al-Shabaab, waxaana uu eed dusha uga tuuray madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, isaga oo carabka ku dhuftay sidoo kale in arrintaan ay kala fogeynayso dadka Hirshabeelle.

Sidoo kale guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa ku goodiyay in hadda wixii ka dambeeyo uusan gobolka Hiiraan kasii mid ahaan doonin Hirshabeelle, arrintaan ayaa kusoo aadaysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhashay xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo sanadkii 2021 loo magacaabay guddoomiye.

Sikastaba ha ahaatee Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa hormuud ka ahaa howlgalka ka dhanka Al-shabaab oo inta badan looga saaray deegaannada gobolka Hiiraan, waxaana xilka laga qaaday xilli lagu waday in laga bilaabo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda galbeedka gobolka Hiiraan oo ay deegaanno kaga sugan yihiin.

Goobjoog News