U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Magaalada Washington iyo U jeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka  Alshabaab, waxa uuna Madaxweynuhu xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.
 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale,kulammo la qaadanaya masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda Hay’adaha caalamiga ah, waxa uuna xoogga saaraya sidii loogu heli lahaa taageero caalami ah dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.
Goobjoog News