U bood dhigaalka

Hey’adda NISA oo Sheegtay in 40 Al-shabaab ah Lagu Dilay Shabeellaha Hoose

Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa sheegtay howlgal qorsheysan ay wadajir uga  fuliyeen gobalka Shabeelaha hoose gaar ahaan beerta Faay Yuusuf oo u dhow tuulada Yimbis in halkaas lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalkan oo socday xalay ilaa maanta ayey hey’addu sheegtay in waxyeello culus loogu gaystay Al-shabaab ee ku sugnayd goobtaas, waxaana inta  45 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo dagaalamayaal Al-shabaab ah,  iyada sidoo kale halkaas lagu dumiyay Teendhooyin ay deganaayeen sida ay sheegtay.

Hey’adda ayaa bayaan ay soo saartay waxaa lagu sheegay in kooxda la weeraray ay doonayeen in weeraro  ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha hoose, balse Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa ka hortagay weerarkaas sida lagu sheegay bayaanka NISA kasoo baxay.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa sheegtay in ay  ka go’an tahay dagaalka Al-shbaab iyo in  lagu beegsado goob kasta ay ku sugan yihiin, iyadoo haatanna ciidanka xoogga  iyo deegaanka ay dhul badan ka xoreeyeen Al-shabaab.

Goobjoog News