U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlay Amniga Caasimaadda Maalmaha Munaasabadda oo Dhacay

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka  Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta shir guddoomiyay shir sugida Amniga iyo Xasiloonidda dadweynaha gaar ahaan Maalmaha Ciida iyo Asbuuca Xuriyadda.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo leh mas’uuliyada koowaad ee sugida amniga iyo Xasiloonida dadweynaha ayaa wada dadaalo lagu xaqiijinayo.

Kulanka ayaa sidoo kale looga arrinsaday sida bulshaddu uga qeyb qaadan karaan xasiloonida caasimadda ee munaasabadaha isa saaran ee xorriyadda iyo Ciidda Adxa.

“Dadweynaha ku dhaqan Caamismada iyo Nawaaxigeeda, cidii aragta wax amniga lid ku ah fadlan la xariir numberka gaaban ee Gurmad 991” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirka.