U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Qaaday Tallaabo Lagu Yareynayo Xasaradda Garoowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa magacaabay mas’uuliyiin cusub, isaga oo shaqada ka eryay kuwo kale, Isbedelkaan ayuu Deni ku sameeyay agaasimeyaasha dhowr wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda uu hoggaamiyo.

Waxaa uu agaasimeyaal cusub u magacaabay wasaaradaha Maaliyadda, Maareynta Musiibooyinka, Xanaanada Xoolaha, arrimaha gudaha, qorsheynta, deegaanka, beeraha iyo wasaaradda Kalluumeysiga, isaga oo xilka ka qaaday goddoomiyaha gobolka Nugaal.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxaa uu magacaabay taliyaha ciidanka Danab ee Kumaandooska, iyadoo loo magacaabay Gaashaanlle Dhexe Qaasim Jaamac Shire, ciidankaan ayaa hormuud u ahaa gadoodkii lagu diidanaa damiciisa muddo kordhiska ah iyo furista Dastuurka.

Badi Sharkhsiyaadka loo magacaabay xilalka ayaa kasoo jeeda gobolka Nugaal, waxaana loo arkaa in arrintaan uu Deni isaga yareynayo xaaladda Siyaasadeed iyo amni ee kaga furan caasimadda, taas uu ka dhacay dagaal sababay geerida 30 ruux iyo dhaawaca tiro kale oo shacab iyo ciidan ah.

Madaxweyne Deni ayaa shakhsiyaadka uu sidoo kale xilalka ka xayuubiyay waxaa la tuhunsan yahay in ay xiriir dhow la leeyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwaas oo saameyn badan ku lahaa magacaabistoodii hore kuwa hadda shaqada laga wada eryay ee agaasimeyaasha iyo xubnaha kale leh.

Magacaabista xubnahaan ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli muddo xileedka madaxweyne Deni uu gabagabo uu yahay, isaga oo waqtiigiisa u egyahay 8 January 2024, marna madhicin in waqtigaas ay dib uga dhacdo, waxaana ay aheyd cufi soo taagnaa tan iyo aasaaskii Puntland sanadkii 1998-kii.

Magaabistaan iyo shaqo ka eryidda uu sameeyay ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli madaxweyne la doonayay in lasoo horfariisiyo xoogagga mucaaradka ah, waxaana arrintaan garwadeen ka ahaa Isimada dhaqanka Puntland, kuwaas oo u istaagay xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland.

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland waxaa dhowaan ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidanka maamulkaas, kaas oo ka bilowday go’aankii golaha wakiillada ee furista dastuurka iyo wax ka badelkiisa oo ay mucaaradku ay ka biyo diideen 30 ruux ayaa dhimatay iyo dhaawaca tiro kale.

Goobjoog News