U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo Hilib u Qeybisay Qoysas Danyar ah

Sheeko:Dalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa dad kabadan 6kun oo qoys oo iskugu jira barakacyaal,dad danyar ah iyo kuwa qaba baahiya gaarka ah u qeybisay hilibka udxiyada iyada oo lagu guda jiro maalintii labaad ee ciidul adxa

Qoysaska Gargaarkaan ka faaiideystay ayaa ku kala sugan kaamam ku yaal deegaanka garasbaaley si gaar ah xaafada weydow,degmoykinka kaxda,iyo waabari.

Deeqdaan waxaa Hay’adda ka taageeray Hay’addaha kala ah King Salmaan, bisha Cas turkiga iyo Hay’adda
Raabitadul caalamul islaami.

Qaar kamid ah dadkii ka faaiideystay gargarakaan ayaa u mahadnaqay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA iyo Hay’addaha kale ee ka gacansiiyey.

Agaasimaha waxda Gargaarka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA sahra Ali Yuusuf ayaa kawarbixisay gargaarkaan.

Masuuliyiin ka socday hay’adaha bisha cas turkiga iyo Raabitadul caalamul islaami ayaa sheegay sidan.

Qaar kamid ah dadkii gargaarkaan ka faaiideystay ayaa u mahadnaqay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.

Goobjoog News