U bood dhigaalka

Hantidhowraha Qaranka oo La Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socotay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha iyo Labada Aqal

Sheeko:Dalka

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka sare ee xafiisyada Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Shacabka, iyo Aqalka Sare ee JFS.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista Xafiiska Hantidhawrka Guud, warbixinnadii dhawaan lala wadaagay hay’adahaas iyo sidii loo dardargalin lahaa dhaqangalinta talooyinka uu Xafiisku bixiyay.

Ugu danbeyn, kulanka ayaa la iskula meeldhigay sidii loo sii xoojin lahaa isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’adaha iyo dowlad wanaagga.

Goobjoog News