U bood dhigaalka

Baarlamaanka Carabta oo Cambaareeyay Waxyeello Lagu Sameeyay Masjid Ku Yaalla Soomaaliya

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyay qaraxii lala beegsadeen Masjid ku yaalla deegaanka Daaru Nicma ee Gobolka Shabeelaha dhexe  Soomaaliya, kaas oo waxyeello kasoo gaartay weerar ka dhacay deegaanka.

Jaamacadda Carabta ayaa falkaasi ku tilmaantay dembi fool xun oo ka dhan ah damiirka aadanaha, kaas oo kasoo horjeeda shareecada Islaamka iyo qawaaniinta Caalamka.

Baarlamaanka Carabta ayaa xaqiijiyay  in ay lagama maarmaan tahay in la mideeyo dhammaan dedaallada ay dunida Carabta kula dagaallamayso wax uu ku tilmamay Argigixisada heer gobol iyo mid caalami.

Baarlamaanka Carabta ayaa mar kale sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga garab siinayaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo muddadii uu socday laga gaaray guulo la taaban karo laguna saaray deegaanno dhowr ah oo dalka ah.

Goobjoog News