U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Hey’adda IHH

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay Wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Turkiga si gaar ah Hay’adda IHH ee oo ah Hay’ad Turki ah kana shaqeysa Caawinta arrimaha bini’aadamnimada.

Kulanka ayaa looga hadlay in Hay’adda IHH Hay’add SoDMA ka taageerto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deeganadii dhawaan la xoreeyey,in goobahas iyo deeganada kale ee dalka laga hirgaliyo mashaariicyo ay ugu horeyaan ceelal biyoodyo iyo goobo cafimaad,in ay ka taagerto dhanka Tababaradda iyo qalabeenta xarunta howlgalada gurmadka deg-deg ah ee NEOC iyo in xiriirka labada Hay’addood sare loo sii qaado.

Wafdigaan waxaa hogaaminayey Madaxa xiriirka Arrimaha gargaarka ee IHH Mudane Taner Altun,Hassan demir madaxa xafiiska IHH ee somaliya,waxaana kulankaan qeyb ka ahaa masuuliyiin katirsan Hay’adda SoDMA. Turkiga ayaa muddooyinkii dambe waday taageerida shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News