Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Sheegay Holwgal Laga Bilaabayo Galbeedka Gobolka
Sheeko:Arrimaha Amniga
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa sheegay in Galbeedka gobolka Hiiraan laga bilaabayo howlgal ka dhan ah Al-sshabaab.
Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadalay ayaa sheegay in wajiga labaad ee dagaalka uu noqon doono mid wadajir uga bilaabanayo Bariga iyo Galbeedka.
“Xoonkooda meesha uu ku dhegan yahay waa naqaanaa, Xoonna Buulkiisa ayaa la gubaa, Howlgalka Wajiga labaad waxaa uu noqon doonaa mid Bariga iyo Qoraxsin laga bilaabo” ayuu yiri guddoomiyaha.
Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa waxaa ka socda dhaqadhaqaaqyo ciidan,waxaana gaaray ciidankii ugu badanaa oo ka tirsan xoogga dalka.
Goobjoog News