U bood dhigaalka

Wasiirrada Maaliyadda iyo Shaqaalaha oo Maanta Xilkooda Lagu Wareejiyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiiradda cusub ee Wasaaradaha Maaliyadda iyo wasiirkii lagu badalay, kadib iskushaandheyn dhowaan lagu sameeyay xukuumadda.
Mudane Biixi Iimaan Cige xilka Wasaaradda Maaliyadda kala wareegay Wasiirkii hore Dr Cilmi Maxamuud Nuur, halka Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, isna xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biixi IImaan Cige.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadaha xilalka loogu kala wareejinayay Wasiiradda cusub ayaa kula dardaarmay in ay si hufan ay uga soo dhallaalaan waajibaadka culus ee loo dhiibay, iyadoo la waafajinayo qorsheyaasha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran.
Goobjoog News