U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadalayay Dardargelinta Howlgallada Jubbooyinka oo Ka Dhacay Kismaayo

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayay dardar galinta howlgallada ka socda deegaanada Jubbaland, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland.
Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga maamulkaas General Yuusuf Cismaan Dhuumm iyo taliyeyaasha Ciidamada Xooga dalka iyo Hay’adaha amniga Jubbaland, waxaana siweyn loogu gorfeeyay sidii loo sii socosiin lahaa howlgalka ciidanka ka wadaan Jubbada hoose.
Madaxweynaha ayaa shacabka reer Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgallada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii shacabka ay kaga dulqaadi lahaayeen sida uu hadalka u dhigay, isaga oo taliska uga mahadceliyay guulaha laga gaaray dagaalka.
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ku gaaray deegaanno dhowr ah oo  dhaca gobolka Jubbada hoose, waxaana sidoo kale jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda gobolka Gedo.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan dowladda federalka Soomaaliya ku dhawaaqday in la bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo ka socda dowladaha safka hore oo taaridoona xoogga dalka.
Goobjoog News