U bood dhigaalka

Madaxa Hey’adda UNFPA oo Gaaray Baydhabo, Isaga oo La Kulmay Laftagareen

Madaxweynaha Koonfur  Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNFPA oo maanta Safar shaqo ku Gaaray Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha iyo Madaxa Hay’adda UNFPA ayaa ka wada Hadlay hormarinta adeegyada caafimaadka, barashada farsamada gacanta, shaqa abuurka dhalinyarada iyo xoojinta wada shaqaynta hey’adda iyo sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxa Hay’adda UNFPA ayaa waxaa lagu wadaa inuu gaaro magaalooyinka caasimadaha u ah maamul goboleedyada, waxaana uu kulamo kale duwan la qaadan doonaa madaxda maamullada, isaga oo sidoo kale dhawaan soo gaaray Muqdisho.

Goobjoog News