U bood dhigaalka

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Daahfuray Madasha Islaxisaabtanka Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  daah furay Madasha Wadatashiga Agaasimayaasha guud, Xiriiriyeyaasha Mashaariicda iyo Lataliyeyaasha sare oo looga hadlayay dardargelinta howlaha hortabinta u leh Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa intii uu socday waxaa si qota dheer looga hadlay dhisidda nidaam wax ku ool ah ee xiriirka iskaashiga Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha, Hay’addaha Dowladda,
Caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran geedi socodka Dowlad dhiska Hirshabeelle, Dib u eegista fulinta halbeegyada howlaha afarta tiir ee barnaamijka Xukuumada, iyo Ka mira dhalinta barnaamijyada ay hay’addaha Dowladda la fuliyaan saaxibada beesha Caalamka.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Agaasimayaasha guud ee Wasaarradaha ay lafdhabar u yihiin horumarinta, dejinta iyo hirgelinta qorshaha Xukuumadda ayna wakiil ka yihiin hay’adda Dowladda, isagoo ku adkeeyay inay laba-laabaan gudashada waajibaadka saaran.
Goobjoog News