U bood dhigaalka

Wafdi uu Hoggaaminaayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Ku Wajahan Gedo

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Luuq ee gobolkaasi, wafdigaan ayaa  tegaya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Gobolka Gedo oo uu ka jiray khilaaf dhanka maamulka ah Degmada Luuq ayaa aheyd degmadii ugu horreeysay ee Maas’uuliiinta Maamulkeeda ay taageereen kuna biireen Maamulka Jubbaland, waxaana magaalada ka socota qabanqaabada soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha ku-xigeenka.

Wafdigaan ayaa waxaa uu hordhac u yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo la sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Luuq, waxaana safarkaan uu kusoo aadayaa xilli deegaannada laga dareemayo dhaqdhqaaqyo ciidan oo ay wadaan DANAB iyo Daraawiishta.

Warraka laga helayo gobolka  ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo mas’uuliyiinta la socda ay isku mari doonaan Saddex degmo oo gobolka ah, walow aan la ogeyn inuu tagi doono magaalada Baardheere ee Gedo.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa khilaaf xoogan uu ka dhexjiray Mas’uuliiinta Maamulka Gobolka Gedo iyo maamulka uu hoggaamiyo madaxweynaha Jubbaland, xilli dhowr jeer ay dhaceen dagaallo u dhaxeeya labada dhinaca, kaas oo ka dhacay gobolka Gedo.

Goobjoog News