U bood dhigaalka

Hooyo U Dhalatay Hindiya oo Nafteeda Goysay Si Ilmaheeda Magdhow u Helaan

Hooyo ku nool dalka Hindiya [India] ayaa isku dishay iyadoo ku hor boodaya Gaari bas ah, si qoyskeeda ay u helaan kaalmo dawladeed dhimashadeeda awgeed, oo wiilkeedana looga bixiyo lacagta uu dhigto Jaamacadda, sida Booliisku Baahiyay.

Haweenaydan oo 45 jir ah ayaa magaceeda lagu sheegay Paapaathi, waxay ka shaqayn jirtay nadaafadda xafiiska ururinta degmada waxayna korsanaysay Gabar iyo Wiil, iyadoo ay kala tageen ninkeeda, iyadoo is dishay si ilmuhu Magdhow u helaan.

Muddooyinkii dambe dalka Hindiya waxaa kusoo badanayay dhacdooyinka nuucaan oo kale ah, Booliiska ayaa diiwaan geliyay dhowr dhacdo oo sidaan oo kale ah, kuwaas oo ay sameeyeen muwaadiniin reer Hindia ah oo nolosha maaro u waayay.

Goobjoog News