U bood dhigaalka

Soomaalida Ku Nool Nairobi oo Walaac Ka Muujisay Mudahaardyada ay Mucaaradku Dhigayaan

Somaalida ku nool Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ka walaacsan mudaaharaadyada ka dhacaya dalka kenya, xilli mudaaharadyadii todobaadkii hore ka dhacay Nairobi ay qaar ka mid ah dadkii ka qaybgalay dhac u geysteen goobo ganacsi.

Waxaa lagu soo waramayaa in dibadbaxyadan ay saamayn ku yeesheen , dhaqdhaaqa ganacsiga iyo guud ahaan nolosha dadka ku nool magaalooyinka dalka Kenya kuwaas oo farta wadnaha ku haya.

Dowladda Kenya ayaa waddooyinka dalkaas soo dhoobtay ciidamo fara badan si ay uga hortagto banaanbaxyaasha isla markaana u xakayso dhibaatooyinka ka dhalanaya rabashadaha cabsida badan abuurtay.

Goobaha waxbarashada ayay Dowladda Kenya ay sheegtay in aan la aadi doonin waxa ayna ku baaqday in dadka ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah si ay uga fogaadaan waxyeelo soo gaarta .

Soomaalida waxay ka mid yihiin dadka wadnaha farta ku haya kuwaas oo albaabada u laabay goobaha ganacsiga ee ay ku leeyihiin magaalooyinka dalka Kenya , gaar ahaan Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku gacan-sayrtay dhawaan dacwad loo gudbiyey oo ka dhan ahayd debed-baxyada ay wadaan xisbiyada mucaaradka ee dalkaasi.

Goobjoog News