Shirka gollaha wasiirada dowladda Koonfur Galbeed oo uu gudoomiyey Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa laga soo Saaray go’aano ku saabsan Al-shabaab iyo inaan lala mcaamili karin sida madaxtooyadu ay baahisay.
Madaxweyne Laftgareen oo shirka ka dib hadlay ayaa ugu baaqay bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kadib markii go’doon la saaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulkaasi.
Hadalka iyo amarrada kasoo baxay ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli magaalada Baydhabo go’doon lagu soo rogay dhawaan ay saameyn ku yeelatay bulshada ku nool, kadib markii Al-shabaab ay diideen ganacsigii gali jiray magaalada ee ka imanayay dhanka magaalada Muqdisho.
Goobjoog News