U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka oo Geeriyooday iyo Guddoonka oo Ka Tacsiyeeyay

Allah unaxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar (Jubba) oo ka tirsanaa golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka.

Xildhibaanka ayaa maalmihii dambe ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo ugu dambeyn ku geeriyooday halkaasi, xildhibaanka ayaa golaha kasoo galay deegaannada Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannada Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, marxuumka ayaa muddooyinkii dambe xanuun la jiifay isbitaal ku yalala magaalada Nairobi.

Goobjoog News