U bood dhigaalka

Ciidmada dowladda oo Dib Wareegay Deegaanka Goof Guduud

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dib ula wareegay gacan ku heenta degaanka Goofgaduud-buurey ee gobolka Bay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo maalmahaan ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Deegaanka Goof Gaduud Buureey oo duleedka magaalada Beydhabo ah dhowr jeerna ay ku dagaalameen ciidmada dowlada kuwa daraawiishta koonfur galbeed oo isku dhinac ah iyo AS waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray labada dhinac.

Deegaan oo ah istiraatiiji oo laga difaaco amaanka magaalada Beydhabo ayaa AS dhowr jeer isku dayeen in ay la wareegaan gacan ku heenta deegaanka.

Taliska qeybta 60-aad ee ciidmada xooga dalka ayaa xaqiijiyay in ay dib ula wareegeen deegaanka Goof Guduud buureey oo 30 km u jira magaalada beydhabo oo xaruta  K/M u ah maamulka koonfur galbeed.

Ciidmada xooga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa AS kala wareegay deegaano badan oo katirsan dalka gaara ahaan bartama iyo koonfurta dalka.

Waxaana wali howlgalo ay ciidmada dowlada iyo dadka deegaanka ay kawadaan deegaano katirsan maamulada Galmudug,hiirshabeelle koonfur galbeed iyo jubbland.

Wajiga 1-aad ee dagaalka dowlada soomaaliya ay kula jirto ururka AS oo gabo-gabo ah ayaa lafilayaa in dhawaan madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu daah furo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah AS.

Goobjoog News