U bood dhigaalka

Mucaaradka Puntland oo Madaxweyne Deni Ku Eedeeyay Fashilinta Wadahadalladii Socday

Sheeko:War

Mucaaradka dowlad goboleedka Puntland ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay go’aankii kasoo baxay golaha Wakiillada ee lagu ansixiyay  furis iyo wax ka bedelka Dastuurka Maamulkaas, xilli wadahadlladii u dhaxeeyay labada dhinac ay wiiqmeen, kaas oo ay garwadeenka ka ahaayeen Isimada Puntland.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland haddana ah mid kamid ah xubnaha Mucaaradka Xasan Shire Abgaal  oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay madaxweyne Siciid Deni inuu diiday inuu dhageysto Isimada ku jira waanwaanta, taas badelkeedana uu qaaday tallaabadii dhacday.

Xasan Shire Abgaal ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda ay qaateen soo jeedintii Isimada, kuwaas oo sheegay in ay u kala dabqaadayaan labada dhinac oo ay go’aan kasoo saarayaan arrinta Dastuurka, laakiin madaxweyne Deni uu diiday inuu ka tanaasulo furista Dastuurka iyo Wax ka badelkiisa.

Maxamed Abdiraxmaan Faroore oo dhankiisa ka qeyb galayay dood ka socotay Twitter Space-ka  ayaa sheegay in doorashooyinkii golaha deegaanka ay ka dhacday isdabamarin sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu ku eedeeyay wadahadalladii fashilmay madaxweynaha talada haya Siciid Deni.

Tallaabadii uu qaaday golaha Wakiillada ayaa gabi ahaan hakad galisay dadaalladii ay isimadu ku doonayeen in xal waara looga gaaro arrinta Puntland ee ka dhalatay Dastuurka, arrintaan ayaa hubanti la’aan dhanka amniga ah waxaa ay galinaysaa magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Bulshada ku dhaqan caasimadda ee Garoowe ayaa walaac xooggan ka qaba hadallada iska soo horjeeda ee kasoo baxaya madaxweyne Deni iyo xoogagga mucaaradka, kuwaas oo sharci darro ku tilmaamay tallaabada golaha wakiillada ku meel mariyay furista iyo wax kabedelka Dastuurka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa lasoo sheegayaa inuu diidan yahay in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talago galay, waxaana xukuumaddu ku doodaysaa doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto hoggaanka maamulka Puntland.

Mucaaradka ayaa dhankooda miiska soo saaray in aysan jirin baahi loo qabo in la furo Dastuur, waxaana ay ka dalbadeen xukuumadda in ay doorashada ku qabato xilligii loogu talo galay, mana jiraan iskusoo dhawaasho ay muujinayaan labada dhinac ee ishaya.

Taliyaha Booliiska gobolka Nugaalka Guddoomiyaha gobolka , Guddoomiyaha degmada ayaa si wadajir ah u  sheegay in aysan jirin wax amni darro ah oo ka jiro Garoowe, taas oo keeni karta in laga qaxo, waxaana ay ugu baaqeen bulshada in ay isdajiyaan.

Magaalada Garowe ayaa waxaa ka taagan qalalaase dhanka amniga ah iyo hubanti la’aan , iyada oo qaar ka mid ah shacabka magaalada ay isaga barakaceen, kuwaas oo mar kale ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la dareemayo.

Goobjoog News