U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Qaaday Kulyadda Jaalle Siyaad

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane , Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay qaraxii ay Al-shabaab dhowaan ka geysatay Kulliyadda Jaalle Siyaad oo uu tababar ugu socday dhallinyaro loo diyaarinayay ka mid noqoshada Ciidanka XDS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya shir madaxeedka horumarinta karaanka Aadanaha ee Afrika ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Xeradaasi.

Xamsa ayaa falkaasi ku tilmaamay mid fulaynimo ah, wuxuuna tacsi u diray ehelada askartii ku geeriyootay qaraxaas, kaas uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo soo galay xerada, kaas oo isku qarxiyay meel lagu feylinaayay ciidanka cusub.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ammaan u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Tanzania, wuxuuna sheegay in ay yihiin bulsho door wanaagsan ka qaadan karto dib u dhiska dalka, waxaana uu ugu baaqay in ay dalkooda maalgashtaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay dedaalladii ay xukuumaddu u martay samata bixinta dadkii ay saamaynta ku yeelatay abaarta, sidii ay ula wadaageen beesha caalamka, sugidda amniga, la dagaallanka Al-shabaab  iyo kaalintii ay shacabku ka qaateen.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dedaalka ay dowladdu ugu jirto in ay kaga kaaftoonto deeqaha kaalmada ah ee Caalamku siiyo Soomaaliya iyo ku tiirsanaanta , isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzaniyana ku boorriyay in ay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska dalka.

Goobjoog News